Seddex oo laga soo badbaadiyay diyaarad ku dhacday garoonak Aadan Cadde.

Date:

Diyaarad nuuca xamuulka qaada ah oo laga leeyahay dalka Kenya ayaa ku burburtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Diyaaradda ayaa magaalada Baladweyne u qaadday xamuul, balse waxay dib ugu laabatay Muqdisho, markii cilladi soo wajahday, waxaana saarnaa illaa afar qof.

Sii-hayaha wasiirka Gaadiidka iyo duulista hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar) oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in diyaaradda oo ah mid xamuul ah cillad ku timid kaddib ay dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho burburna uu kasoo gaaray qeybta hore kaddib markii ay ku dhacday derbi shub ah oo xayndaabka garoonka ah.

Wasiirka ayaa tilmaamay in diyaaradda ay la socdeen afar qof oo ahaa shaqaalaha diyaaradda kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo ajaanib, isagoo sheegay in ay soo badbaadiyeen saddex qof oo dhaawac uu soo gaaray, halka qofka kale oo weli noolna ay wadaan dadaallo lagu soo badbaadinayo.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in dadka dhaawacu soo gaaray loo qaaday isbitaal si loogu dabiibo xaaladooda caafimaad.

Dhanka kale wasiirka ayaa sheegay in muddo kooban hakad la geliyay shaqada garoonka si arrintaan looga jawaabo waxyar kaddibna dib loo furi doono adeegyada garoonka Aadan Cadde.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo shaaciyay Jadwalka Doorashooyinka D/Gobolleedyada

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (...

Wasiirka Warfaafinta oo hambalyo u diraybahda warbaahinta munaasabadda 3-da May

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo furay tababar ku saabsan Ka hortagga tabinta hadallada naceybka ee xilliyada doorashooyinka

Aqoon-isweydaarsigan oo soconaya muddo laba maalmood ah waxaa ka...

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Koonfur Galbeed oo kulan la qaatay Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cali...