Gargaar la gaarsiinayo in ka badan 2,000 oo ruux oo uu saameeyay Webiga Shabeelle.

Date:

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaashaneysa Barnaamijka cuntada adduunka ee WFP ay raashiin siineyso dadka ku barakacay fatahaadda gobalka Shabeellaha hoose.

Qoraal safaaradu ay dhigtay barteeda Twiterka ayaa lagu sheegay in raashin ay siinayaan in ka badan labo kun oo qoys kuwaas oo qeyb ka ah kumnaanka kun ee ku barakacay fatahaadaha daran ee gobolka.

Fatahaadahaย  ka dhacay soomaaliya laga soo billaabo bishii febaraayo ee sanadkan 2020-ka waxaa ay saameeyeen dad lagu qiyaasay 650,000 (Lix boqol iyo konton kun) sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Gobollada hodanka ku ah wax soo saarka beeraha ee labada Shabeelle ayaa ka mid ah meelaha ugu daran ee fatahaadu saameysay.

Dhul beereed dhan 75,000 (Todobaatan iyo shan kun) oo hektar ayaa sidoo kale ku baa baโ€™ay fatahaadaha wabiga Shabeelle.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...