Degmada Dharkeynley oo laga daah furay goobo dalxiis+sawirro.

Date:

Guddoomiyaha degmada Dharkeynley iyo agaasimaha dalxiiska & maalgashiga gobolka Banaadir ayaa daah furay dalxiiska degmada Dharkeynley oo markii ugu horreysay loo dalxiis tago.

Agaasimaha dalxiiska iyo maalgashiga Gobolka Banadir Mudane Cabdifataax Maxamuud Siyaad (Arizona) ayaa sheegay in Degmadaan ay door muhiim ah ka qaadan doonto Dalxiiska Caasimadda, maadaama ay leedahay Goobo Dalxiis oo soo jiidasho leh.

Guddoomiyaha degmagada Dharkenley mudane Guhaad Sheikh Xassan oo ka hadlay Munaasabadda daah-furka Dalxiiska ayaa sheegay in maanta waxii ka danbeeya Dalxiiska Degmadu uu  kamid noqon doono shaqooyinka joogtada ah ee Maamulka, waxaana uu bulshada Caasimadda ugu baaqay in ay u soo dalxiis tagaan Dharkenleey oo ah meel ku wanaagsan Dalxiiska.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynley mudane Guhaad Sheekh Xassan oo dhawaan loo magacaabay degmadaas ayaa dardar geliyay arrimaha dalxiiska oo qeyb ka ah is-dhaxgalka bulshada,waxaana shalay ku dalxiisay goobaha dalxiiska Dharkeynley shacab badan oo ay u aheyd maalin fasax maadaama ay Jimco aheyd.

                       

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Awqaafta oo kormeer ku tegay Hoteeladda Makka ee laga rarayo xujeyda Soomaaliyeed

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha islaamka Xukumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Hoggaanka Sare ee Wasaaradda Amniga Gudaha oo Dib-u-Eegis ku Sameeyay Waxqabadka Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha XFS, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil...

Horjooge katirsan khawaarijta oo isku soo dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka

Horjooge Cali Maxamed Coloow oo wata qori AK47 ah...