Dad shacab ah oo ku geeriyooday qarax Al-shabaab ay ku aaseen duleedka Xudur.

Date:

Wararka ka imaanaya magaalada Xuddur ee xarunta gobolka Bakool ayaa sheegaya in qarax miino oo nooca dhulka lagu aaso ah ku qaraxday  dad shacab ah oo mooto saddex lugooley saarnaa, qaraxaasi  oo ay maleeshiyaadka Al-shabaab ay aaseen.

6 qof oo shacab culimada deegaanka ah ayaa ku geeriyootay 2 kalena waa ay  ku dhaawacmeen qarax miino dhulka lageliyey oo haleeshey mooto 3 lugooley ah,taasi oo ay saarnaayeen 8 ruux oo 2 ka mid ah walaalo yihiin.sida uu soo sheegay Maxamed Xasan Cabdiraxmaan Wakiilka Warbaahinta Qaranka ee Bokool.

Qaraxan wuxuu ka dhacay meel Xuddur u jirta 25-KM ugana beeggan dhanka waqooyi waana wadada xiriirisa magaalooyinka Ceelberde, Quracjoome iyo gobolka Hiiraan.

Culimadaan ayaa la sheegey in ay ku socdeen guri lagu casuumay oo qur’aan ku akhriyaan, waxana saaka lagu aasayaa tuulada Banjinaay oo 15-km u jirta magaalada Xuddur ,halkaas oo markii hore ay ka baxeen.

Aragagaxisada Al-Shabaab ayaa ka dambaysay falkaan lagu xasuuqay culimadaan aan waxba galabsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo Muqdisho ku qabatay xuska Maalinta Shaqaalaha Adduunka

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya...

Wasiirka Waxbarashada oo faray dadka deggen dhulka Jaamacadda Ummadda in ay si degdeg ah uga guuraan

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda...

Safiirka JFS ee Sacuudiga oo kormeer ku tagay Xafiiska Arrimaha Xajka ee magaalada Madiina

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Boqortooyada Sacuudiga,...

Soomaaliya oo tallaabo u qaaday Nidaamka Xisaab-xirka iyo lacag-bixinta gaadiidka cirka

Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...