Taliyaha Asluubta oo tabobar usoo xeray ciidamo ka tirsan taliskaasi [sawiirro]

Date:

Munsabad tabobar loogu xerayay dufcaddii 1-aad ee ciidamo ka tirsan Asluubta isla markaana tabobar kale loogu furay dufcadii 2-aad ee  ciidamada Asluubta, ayaa waxaa ka qeebgalay Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed iyo saraakiil kale.

Tabobarka oo socday 45 cisho ah ayaa lagu barayay ciidanka sida loo ilaaliyo xabsiyada dalka iyo dhaqan celinta maxaabiista.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa sheegay in ciidamadan ay ka shaqeyn doonaan Xabsiga dhaxe isagoo balanqaday in ammaanka Xabsiga dhexe aad loo adkeen doono si aysan u dhicin falal la mid ah kii ugu dambeyay ee dhacay bishii hore.

Taliska Ciidanka Asluubta ayaa wada dadaalo ku aadan sidii loo tayeyn lahaa ciidanka asluubta soomaaliyeed, si kor loogu qaado wacyisiinta maxaabiista ee mustaqbalka.

     

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...