Madaxwene Farmaajo oo furay shirkii DF iyo Dowlad gobolleedyada (sawirro)

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey furitaanka Shirka Wadatashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada oo maanta si rasmi ah uga furmay Xarunta Madaxtooyada Qaranka.
Kusimaha Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada Mudane Cabdirashiid Maxamed Xaashi oo furitaanka shirka kaddib la hadlay Warbaahinta ayaa tilmaamay dadaalka madaxdu ay ku bixinayaan sidii loo sii amba-qaadi lahaa dhammeystirka Heshiiska Doorashooyinka dalka si ay wakhtigeeda ugu qabsoonto.
“Madaxtooyada Qaranka waxa ay soo dhaweynaysaa sida Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ay ugu dadaaleen ka soo qeybgalka shirka , iyadoo haatan loo dhan yahay ka miradhalinta shirkan oo muhiim u ah hirgelinta doorashada dalka.”
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa furitaanka shirka ka hor waxa uu kulamo hordhac ah la qaatay Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaaadir, kuwaas oo ku saabsanaa sidii shacabka Soomaaliyeed ay u heli lahaayeen xuquuqdooda dastuuriga ah ee ku aaddan in ay doortaan masuuliyiinta ay ku aaminayaan talada dalka.
Furitaanka shirka waxaa ka qeyb galay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada, Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyay Shir looga hadlay Xoojinta Amniga Deegaannada KGS

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe),...

Dowladda oo Shaacisay xiliga la qabanayo Doorashada Guddoonka Goleyaasha Degmooyinka G/Banaadir

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliyeed ee da’doodu ka yar tahay 17-sano oo galabta sameynaya taariikh cusub

Xulka Qaranka Gabdhaha Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay...

Guddoomiyaha SoDMA oo xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Ururka Siyaasadda Towfiiq

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...