Kiisas cusub oo Covid-19 ah ayaa laga helay South Africa.

Date:

Dalka Koofur Afrika waxaa la diiwaan geliyay 1,816 kiisas cusub oo coronavirus Sabtidii iyadoo 49 qof u geeriyoodeen COVID-19, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Zweli Mkhize.

Ku dhowaad afar milyan oo qof ayaa laga baaray safmarka tan iyo markii kiiskii ugu horreeyay dalka laga soo sheegay bishii Maarso. Wasiirka caafimaadka ayaa sheegay in  18,620 oo kiis la diiwaan geliyay 24 saac ee la soo dhaafay, soo kabashada cudurka ee dalka Koofur Afrika ayaa hadda maraysa 88.9% taas oo ka dhigan in 576,423 qof ay ka bogsoodeen safmarka COVID-19.

Wasiirka caafimaadka oo horraantii Sabtida ka hadlayay kulanka howlwadeennada caafimaadka ayaa sheegay in tirada dhimashada ee xanuunka ay hoos u dhacayso.
Koofur Afrika ayaa ah dalka keliya ee sida daran u sameeyay safmarka COVID-19 qaaradda Afrika iyadoo kaalinta siddeedaad ka galay liiska safmarka saameeyay ee caalamka, 648,214 kiis ayaa laga heley iyadoo 15,427 qofna u geeriyoodeen.

Hoos u dhaca tirada kiisaska ayaa ka yar 3,000 marka loo bar bar dhigo bilihii Juun iyo Luul oo maalin kasta la diiwaan gelin jirey inta u dhexeysa 8,000 ilaa 10,000,
In ka badan 31,000 oo howlwadeeno caafimaad ayaa laga helay xanuunka waxaana u geeriyooday 240 oo shaqaale caafimaad ee dalka Koofur Afrika.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...