Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubbaland oo la aasay.

Date:

Madaxweynaha dowlad goboleedka jubbaland axmed maxamed islaam iyo boqolaal shacabka ayaa magalada kismaayo  ka qeyb-galay dukashada salaadda janaasada allaha u naxariistee guddoomiyihii rugta ganacsiga jubbaland ahaana Xoghayihii rugta ganacsiga Soomaaliyeed  marxuum Shaafi Raabi.

Madaxweyne Axmed Maxamed islaam ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacan kusiiyaan ciidamada dagaalanka argagixisada iyo in laga hortago falalka guracan ee ay dhiiggooda ku baneysanayaan.

Malleeshiyada Al-shabaab ayaa maalintii jimcaha aheyd  qarax la beegsaday Dad rayid ah oo kasoo baxayay Masjidka qadiimiga ah ee Kismaayo, qaraxaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad lix qof oo uu kujiro Shaafi Raabi Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubbaland ahaana Xoghayihii guud ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, iyo ardaygii kaalinta 22-aad ka galay Imtixaanka shahaadiga ah Thaabit Cabduullaahi Xasan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka jeediyay kulan Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha

Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka oo Warbixin ka...

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...