Natiijada imtixaanka dugsiyada sare oo goor dhaw lagu dhawaaqayo.

Date:

Wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare ee dalka ayaa maanta shaacinaysa natiijada imtixaanka dawliga ah ee dugsiyada sare oo sanadkaan ay ka qaybgaleen arday ka badan 34-kun oo arday oo kala jooga Jubbaland, koofur-galbeed, Hirsahbeelle, Galmudug iyo gobolka Banaadir.

Munaasabadda shaacinta natiijada imtixaanka oo ay ka qaybgalayaan madaxda wasaaradda waxbarashada dalka iyo mas’uuliyiin kale ayaa dhawaan ka furmaysa xarunta Akademiyadda cilmiga fanka iyo suugaanta ee magaalada Muqdisho.

Imtixaanka dowliga ah ee dugsiyada sare oo la qaban jiray bisha May sanad kasta ayaa sanadkaan dib ugu dhacay xayiraadaha ka dhashay COVID-19, dartiis.

kala soco sonna.so goor dhaw warkan oo faahfaahsan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabbilay Safiirka dowladda Switzerland u fadhiya Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Marwada Madaxweynaha JFS oo maanta iska diiwaangelisay degmada Dharkeynleey ee gobolka Banaadir

Marwada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Sahro Cumar Xasan,...

Soomaaliya oo marti galisay Shirka Xubnaha Siyaasadda Ciidamada Joogtada ah ee bariga Afrika (EASF)

Waxaa si rasmi ah maanta Muqdisho loogu furay kulammada...

Guddoomiye Muungaab oo la kulmay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Dr. Xasan...