Qeybta 21-aad ee Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Shacabka ku dhaqan Tuulada Shabeelloow ee Gobolka Mudug ayaa dhaq-dhaq Ciidan ka wada degaanka Dhagaxleey oo qiyaastii 20 km ujirta Degmada Gaalkacyo.
Qaar ka mid ah Dadka degaanka ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in Ciidanka xoogga Dalka ee kumaandooska Danab oo kaashanayo Dadka degaanka ay dedaal ballaaran ugu jiraan sidii ay Argagixisadu ugala wareegi lahaayeen goobaha ay kaga sugan yahiin Gobolka Mudug.
Dadka degaanka ayaa sidoo kale soo sheegaya in Kooxda nabad-diidku ay halkaasi isaga carareen, ka dib markii ay ka war heleen in ay ku soo wajahan yahiin Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Dadka Shacabka oo iskaashanaya.