Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab kala wareegay deegaan ka tirsan Jubbada hoose.

Date:

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maleeshiyada argagaxisada Al-shabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Deegaanada ay Ciidanku la wareegeen  waxaa ka mid ah deegaanka Jannaay Cabdalle oo 60-KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Firxadka maleeshiyaadka nabad diidka Al-shabaab oo ka cararay dagaalka culus ee uga yimid naftood hurayaasha Qaranka ee xoogga dalka ayaa gaaray deegaanno ka fog Jannaay Cabdalle, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka.

Argagaxisada oo marwalba u taaggan dhibaataynta dadka rayidka ah ayaa markii looga awood roonaaday dagaalka, waxay miinooyin galiyeen waddooyinka soo gala deegaanka, waxaase ka soo saaray ciidanka xoogga dalka oo u taagan difaaca Qaranka.

Maleeshiyada ayaa sidoo kale burburisay ceel-biyood ay dadka deegaanku biyaha ka cabi jireen oo ku yaalay halkaas.

Deegaankaan Jannaay Cabdalle ayaa ahaa midka kaliya ee maleeshiyada ay lacagaha baadda ah uga qaadi jirtay gawaarida isaga kala goosha magaalada Kismaayo iyo deegaannada dhanka xuduuda Kenya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...