Ciidanka Xoogga oo Al-shabaab kala wareegay deegaan ka tirsan Jubbada hoose.

Date:

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa daraawiishta dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maleeshiyada argagaxisada Al-shabaab kala wareegay deegaanno ka tirsan gobolka Jubbada hoose.

Deegaanada ay Ciidanku la wareegeen  waxaa ka mid ah deegaanka Jannaay Cabdalle oo 60-KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose.

Firxadka maleeshiyaadka nabad diidka Al-shabaab oo ka cararay dagaalka culus ee uga yimid naftood hurayaasha Qaranka ee xoogga dalka ayaa gaaray deegaanno ka fog Jannaay Cabdalle, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan ciidanka.

Argagaxisada oo marwalba u taaggan dhibaataynta dadka rayidka ah ayaa markii looga awood roonaaday dagaalka, waxay miinooyin galiyeen waddooyinka soo gala deegaanka, waxaase ka soo saaray ciidanka xoogga dalka oo u taagan difaaca Qaranka.

Maleeshiyada ayaa sidoo kale burburisay ceel-biyood ay dadka deegaanku biyaha ka cabi jireen oo ku yaalay halkaas.

Deegaankaan Jannaay Cabdalle ayaa ahaa midka kaliya ee maleeshiyada ay lacagaha baadda ah uga qaadi jirtay gawaarida isaga kala goosha magaalada Kismaayo iyo deegaannada dhanka xuduuda Kenya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo qaabilay Wefdi ka socday UNTMIS

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS...

Wasiirka Arrimaha Dibadda JFS oo kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Dowladda Türkiye

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga JFS, Mudane...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jabuuti u fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...