Maxkamadda Gobolka Nugaal oo sii deysay rag ku eedeysnaa arrimo Kufsi.

Date:

Maxkamadda darajada koowaad ee gobolka Nugaal ayaa xasbiga ka deysay lix ka mid ah 7 nin oo loo heystay fal isugu jira dil iyo kufsi, kuwaas oo sanad ka badan ku xirnaa xabsiga dhexe ee magaalada Garoowe.

Raggan ayay maxkamaddu ay dib ugu celisay xorriyadooda, kadib markii ay shaacisay in lagu waayey dambigii lagu soo eedeeyey.

Garsoorayaasha maxkamadda ayaa sheegay in baaritaanno kala duwan lagu sameeyay todobada eedaysane, isla markaana loo adeegsaday shaybaarka dambiyada DNA-da ee loo yaqaan Forensic Lab, ayna soo saareen natiijooyin isku mid ah oo caddaynaya in aysan dambigaasi gelin.

Sidoo kale wuxuu amray in xabsiga lagu hayo eedeysanaha 7-aad oo wareysiyo hore uu bixiyey ku qirtay inuu ku lug lahaa falkaasi, si baaritaano kale loogu sameeyo Maxkamadda gobolka Nugaal ayaa fadhiyo kala duwan ka yeelatay falkan oo sanadkii hore lagula kacay haweeney lagu magacaabi jiray Hodan Axmed Maxamed Shanlayste.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo duqeyn cirka ah ku dilay 12 katirsan khawaarijta

Ciidanka Qaranka, oo kaashanaya saaxiibbada caalamka, ayaa aroornimadii maanta...

Madaxweynaha JFS “Koonfur Galbeed waxa ay noqon doontaa Dowlad Goboleedka ugu horreeya ee laga hirgeliyo doorasho qof iyo cod ah.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo gaaray magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha, Mudane...