Agaasimaha Hey’adda Socdaalka oo booqday bar-xuduudeedka Qeydar.

Date:

Kormeerkan uu Gaashaanle sare, Maxamed Aadan Koofi, Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda uu ku tagay bar-xuduudeedka deegaanka Qeydar ee Gobolka Galgaduud oo ku taala Xuduudda Ethiopia ayaa waxaa ku wehlinayay Taliyaha qaybta Boliiska Galmudug General Bishaar Abshir Geedi, Gudoomiyaha magaalada Guriceel Faarax Macalin Cabdi iyo Saraakiil ka tirsan Galmudug.

Agaasime Koofi iyo mas’uuliyiinta kale ayaa la kulmay dadka deegaanka Qeydar waxayna warbixino ka dhageysteen odayaasha iyo dhalinyarada deegaanka.

Guddoomiyaha magaalada Guriceel, Faarax Macalin Cabdi, ayaa sheegay inuu heer gababa ah marayo dhismaha xafiiska bar-xuduudeedka deegaanka Qeydar oo ay ku howlgali doonaan saraakiisha Hay’adda Socdaalka si looga warqabo isusocodka xuduuda.

Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS G/sare Maxamed Aadan Koofi, waxaa uu xusay in ka hay’ad ahaan ay wax ka qabanayaan baahiyaha ay sheegeen dadka degaanka, isagoona codsaday dadka ku nool deegaanka inay la shaqeeyaan xubnaha hay’dda ee ku shaqeyn doona bar-xuduudeedka Qeydar.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS ayaa sanadihii la soo dhaafay xafiisyada socdaalka ka hirgalisay bar-xuduuudeedyada Soomaaliya si loo la socda dadka dalka soo galaya loona hubiyo dokumentiyadooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha guutada lixaad ee qaybta 60-aad oo tababbar u soo xiray cutubyo ka tirsan guutada lixaad

Taliyaha Guutada 6-aad ee Qaybta 60-aad ee Ciidanka Dhulka...

Ciidanka Ammaanka oo gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsan Khawaarijta

Ciidamada Ammaanka ayaa gacanta ku dhigay dhagarqabe ka tirsanaa...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa xarigga ka jaray Baakin casri ah oo laga hirgeliyey xayndaabka garoonka Aadan Cadde

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane...

Soomaaliya oo dhambaal taageero ah u dirtay Dowladda Qatar

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay muujinaysaa walaac qotada dheer oo...