Munaasabad lagu xusayay sanad guurada 1-aad ee xil-heynta Duqa Muqdisho oo Muqdisho lagu qabtay.

Date:

Munaasabad lagu maamusayay sannad guuradii koowaad ee kasoo wareegatay markii uu xilka la wareegay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho, mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa lagu qabta xarunta dhallinyarada gobolka Banaadir.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qeyb galay Xildhibaanno, Wasiirro, madaxda degmooyinka gobolka Banaadir, qaar kamid ah madaxda xisbiyada iyo marti sharaf kale waxaana lagu soo bandhigay heeso kala duwan oo ka turjumayay wax qabadka guddoomiyaha gobolka Banaadir muddadii uu xilka hayay.

Xildhibaan Canab Xasan Cilmi iyo xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsan golaha Shacabka qBaarlamaanka Soomaaliya oo munaasabadda ka hadlay ayaa qiray wax-qabadka muuqda ee guddoomiyaha gobolka Banaadir uu sameeyay muddadii halka sanno eheed, iyagoo shacabka ugu baaqay in ay garab istaagaan madaxdooda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa madaxweynaha Jahmuuriyadda Soomaaliya uga mahad-celiyay garab istaagii uu u muujiyay muddadii sannadka eheed,wuxuuna sidoo kale shacabka caasimadda ku ammaanay sida wanaagsan ee ay ula shaqeeyeen,isagoo ka codsaday in ay sii wadaan ka qeyb qaadashada horumarka caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...