Soomaaliya oo soo dhaweysay heshiis ay gaareen dhinacyada Suudaanta Koonfureed.

Date:

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya ayaa lagu taageeray heshiiska nabadeed ee ay wada gaareen Dowladda Suudaanta waqooyi iyo qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka Hubeysan ee Dalkaasi.

Heshiiskan nabadeed oo aan weli la saxiixin ayaa waxaa Magaalada Jubba ee Caasimadda Suudaanta koofureed ku wada gaaray Dowladda KMG ah ee Suudaanta Waqooyi iyo Isbahaysiga ugu weyn ee Sudan Revolutionary Front (SRF).

Miiska wada hadallada ayaa la filayaa in ay kusoo biiraan Laba Jabhadood oo ka mid ah mucaaradka Hubeysan, wuxuuna heshiiskani soo Afjarayaa 17 Sano oo colaad sokeeye ah oo halkaasi ka taagnayd.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...