Sii hayaha Wasiirka waxbarashada oo Degmada Balcad ka dhegax dhigay dugsi lagu baranayo cilmiga beeraha. [sawirro]

Date:

Sii hayaha wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre oo ay wehliyaan wasiirka waxbarashada Hirshabeelle ayaa dhagax dhigay Dusiga beeraha Balcad kaasi oo loogu talagalay in kor loogu qaado wax soo saarka deegaanka maadaama gobolka shabeellaha dhexe uu ka mid yahay kuwa ugu badan ee lagu beeraha dalagyada kala duwan ee dalkeyna ka baxa waxaana laga hirgeliyay degmada Balcad.

Munaasabaddaan waxaa goob joog ka ahaa maamulka Gobolka, kan degmada iyo mas’uuliyiin ka socotay dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur iyo guddoomiyaha gobolka shabeellaha dhexe Axmed Mayre Makaraan ayaa sheegay in dusgigaan uu waxbadan kusoo kordhindoono wax soo saarka isla markaana ay uga faa’ideysan doonaan.

Wasiirka waxbarashada dowlad goboleedka Hirshabeelle Dr Cabdulaahi Abuukar xuseen ayaa sheegay inay dugsigaan ay ka faa’ideysan doonaan bulshada Soomaaliyeed waxaana uu uga mahadceliyay sida dowladda dhexe ay uga go’antahay kor u qaadista wax soo saarta dalka.

Sii hayaha wasiirka waxbarashada xukuumadda federaalkla Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliyeed ay iskuulkaan ugu talagalay cilmiga iyo tayada wax soo saarka dalka kor loogu qaado goobtaana ay tahay meel muhiim u ah dadka soomaaliyeed.

“Dusigaan beeraha balcad oo aan ugu talagalnay wax soo saarka gobolka looguma yeeri karo magac kale waxaana dowladda Soomaaliyeed ka go’an xoojinta wax soo saarka dalka”ayuu yiri wasiir goodax.

Waa dugsigii ugu horeeyay oo nuucaan ah ee laga  hirgaliyo degmada Balcad ee gobolka shabeellaha Dhexe waxaana mashruucaan fulinayo dowladda Soomaaliya oo kaashaneysa Midowga Yurub.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Munaasabad lagu taageerayay garsoore Cumar Cartan oo lagu qabtay Nairobi

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay Qarax Argagixiso oo ka dhacay Suuriya

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda...

Duqa Muqdisho oo casho-sharaf ku maamuusay Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Soomaaliya oo Beijing kaga qaybgashay shir looga hadlaya diyaar-garowga iyo ka-hortagga masiibooyinka

Magaalada Beijing ee dalka Shiinaha waxaa maanta ka furmay...