Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kulan la qaatay Safiirka Qatar ee Soomaaliya.+Sawirro.

Date:

Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Goboleedka Galmudug Mudane Cali Dahir Ciid oo jooga Muqdisho ayaa kulan la qaatay Safiirka Dowlada Qatar ee Soomaaliya Xassan Bin Xamsa.

Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arimaha hormarinta Galmudug iyo kaalinta ay Dowlada Qatar ka qadanayso dib u dhiska Hey’adaha kala duwan ee Dowlada Galmudug.

Sidoo kale waxaa la isku soo qaaday sidii Dowlada Qatar ay Galmudug uga caawin laheyd dhismaha ciidanka Darwiish Galmudug.

Ugu dambeyn kulankan ayaa waxaa uu ku soo dhammaaday is afgarad, waxaana Safirka Qatar uu Galmudug ku ammaanay horumarka ay sameysay muddadii koobneyd oo ay jirtay oo la xusi karo dadaallada ay ugu jirto dibu dhiska dalka iyo mideynta dadka Soomaaliyeed oo uu hormuud ka yahay Madaxweynaha Galmudug Mudane Ahmed Abdi Kaariye Qoorqoor.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka arrimaha dibadda oo qaabilay Danjiraha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Jabuuti

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Wasaaradda arimaha dibadda JFS oo digniin ka soo saartay warar been abuur ah

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Maaliyadda oo kulan la qaatay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan...