Erdogan iyo Trump oo ka wadahadlay xiisadda Badda Mediterranean.

Date:

Madaxweynayaasha Turkiga Tayyip Erdogan  iyo Donald Trump ayaa telefoon kaga wadahadlay  xiriirka labada dhinac, arrimaha gobolka iyo xiisadda ka taagan badda Mediterraneanka  ee u dhexeysa Turkiga iyo Giriiga, sida uu sheegay xafiiska madaxweyne Erdogan.

Xiisadda u dhexeysa Turkiga iyo Giriiga ayaa sare u kacday markii xukuumadda Ankara u dirtay markabkeeda sahminaya biyaha lagu muransan yahay ee bariga badda Mediterranean talaabadaas uu Athenis ugu yeertay sharci daro.

Labadan dal oo ka wada tirsan gaashaan-buurta NATO ayaa si weyn isu maan dhaafay waxayna wada sheeganayaan milkiyadda kheyraadka ku jira biyahaas oo uu  kamid yahay gaas dabiiciga ah, iyadoo muranka labada dhinac  uu salka ku hayo qalfoof badeedka ay ku firirsan yihiin jaziirado Giriigu leeyahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...