Maxkamadda Gobolka Banaadir oo xukunno kala duwan ku ridday saraakiil ka tirsanaa Wasaaradda Caafimaadka.

Date:

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xukunno kala duwan ku ridday shaqaale ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya , Masuuliyiinta xukunnada lagu riday waxaa ka mid ah Agaasimihii Guud ee Wasaaraddaย  Caafimaadka.

Hoos ka aqriso Warqada Xukunka ee Maxkamadda

Maxkamadda gobolka Benaadir, qeybta ciqaabta (Waaxda tashiga)

Maanta oo ay tahay Taariikhduย 24/08/2020ย waxay Maxkamadda ku dhawaaqaysaa Xukunka Kiis Dacwadeedka ciqaabta ah ee Numberkiisa yahay MGB/DDL/148/2020 oo eedaysanayaal ka yihiin 9 qof ka tirsan Wasaaradda Caafimaadka JFS, kuwaasi oo dacwadooda lasoo dhagaysanaysay 14 fadhi-dacwadeed,

XUKUNKA MAXKAMADDA

  1. 1. EEDAYSANAHA 1AAD:ย ย C/llaahi Xaashi Cali Ina Khadiijo Xaaji Maxamed Xersi 61 jir ah Ku Dhashay Hiiraan Dagan Degmada Xamar-Weyne, ahna Agaasimaha Guud Wasaaradda Caafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS,

MAXKAMADDUย waxa ay ku heshay Qodobadaย 241(XATOOYO XOOLOย DADWEYNE) iyoย 363ย XCS, waxa ayna Ku xukuntayย 9 sanoย oo xadhig ah Iyo Ganaax Lacageed oo ah,ย ย ย SH.SOย 59,173,000ย (KONTON iyo SAGAAL MALYAN, BOQOL TODDOBAATAN IYO SADDEX KUN, shilin Som) Una dhigantaย $2,366 dollar.ย ย ย Xukunka waxaa wehelinaya Ka reebista Xafiis Dadweyne sida ku xusan Qodobada.101/102 XCS.

  1. 2. EEDAYSANAHA 2AAD:ย Maxamuud Buule Maxamuud Ina Binti Shiikh Nuur Maxamed 52 jir ah ku dhashay Xamar, Degan wadajir ahna Agaaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda ee Wasaaradda caafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363 366, 375, 376-/71 XCS,

MAXKAMADDUย waxa ay ku heshay, Qodobada 241(XATOOYO XOOLO DADWEYNE) iyo Qodobada 363,366, 375, waxayna ku xukuntayย 18 sanoย oo xadhig ah iyo Ganaax Lacageed oo ahย 59,173, 000ย SH.SO (KONTON IYO SAGAAL MALYAN, BOQOL TODDOBAATAN IYO SADDEX KUN, shilin Som) Una dhigantaย $2,366 dollar.ย Xukunka waxaa wehelinaya Ka reebista Xafiis Dadweyne sida ku xusan Qodobada101/102 XCS.

  1. 3. EEDAYSANAHA 3AAD:ย ย Mahdi Abshir Maxamed Ina Xaawo Maxamed Nuur 30 jir ah ku dhashay Xamar Degan Waaberi ahna Madaxa xisaabaadka ee Mashruuca Wacyigalinta Caafimaadka (Health Promotionย C4D) ee Wasaaradda aafimaadka DFS, Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS,

MAXKAMADDUย waxa ay ku heshay Qodobadaย 241(XATOOYO XOOLO DADWEYNE), iyo QODOBADAย ย 363, 375 waxayna ku xukuntayย 12 sano oo xadhigย ah iyo Ganaax Lacageed oo ahย 59,173, 000ย SH.SOย (KONTON IYO SAGAAL MALYAN, BOQOL TODDOBAATAN IYO SADDEX KUN, shilin Som) Una dhigantaย $2,366 dollar.ย Xukunka waxaa wehelinaya Ka reebista Xafiis Dadweyne sida ku xusan Qodobada 101/102 XCS.

  1. 4. EEDAYSANAHA 4AAD:ย Bashiir Cabdi Nuur Ina Xaliimo Qaasim Cabdi 34 jir ah ku dhashay Xamar, Degan Hodan ahna Xisaabiyaha Mashruuca Malaria and HIV/AIDS ee Wasaaradda Caafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS,

MAXKMADDUย waxa ay ku heshay Qodobka 241(XATOOYO XOOLO DADWEYNE),ย ย ย waxayna ku xukuntayย 3 sanoย oo Xadhig ah iyo Ganaax lacageed oo ah 29,575.000 (LAABATAN IYO SAGAAL MALYAN, SHAN BOQOL TODDOBAATAN IYO SHAN KUNย ย Shil.Som) Una dhigantaย $1,183 Dollar. Xukunka waxaa wehelinaya Ka reebista Xafiis Dadweyne Muddo 5 sano ah sida ku xusan Qodobka102-Faq 1aad XCS.

  1. 5. EEDAYSANAHA 5AAD:ย Naciima C.qaadir Maxamed Ina Xaliimo Cabdi Shiikh 34 jir ah ku dhalatay, Degan Xamar ahna Maamulaha Mashruuca Taranka iyo Hooyada (reproductive Health) ee Wasaaradda Caafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS,

MAXKAMADDUย waxa ay ku weyday dhammaan Qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna dib ugu celisay Xorriyadeeda,

  1. 6. EEDAYSANAHA 6AAD:ย Axmed Aaadan Maxamed Ina Faadumo Maxamed 34 jir ah ku dhashay Gedo Degan Hodan ahna Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Guud (Public Health Department) ee Wasaaradda aafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS,

MAXKAMADDUย waxa ay ku weyday dhammaan Qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna dib ugu celisay Xorriyadeeda,

  1. 7. EEDEYSANAHA 7 AAD:ย C/qaadir Weheliye Afrax Ina Jimco Gaafow Kulmiye ahna Agaasimaah Waaxda Saadka iyo Adeega Caafimaadka ee Wasaaradda Caafimaadka DFS, Kuna Eeedaysan QODOBADAย ย 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS,

MAXKAMADDAย waxaa u caddaatay in uu yahay agaasimaha waxaada daawaynta, qalabkaย ย iyo xarumaha caafimaadka ee wasaaradda Caafimaadka,ย ย waxayna ku weyday dhammaan Qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna dib ugu celisay Xorriyadiisa.

  1. 8. EEDEYSANAHA 8AADย : Faarax Yuusuf Maxamed Ina Luul Geele Maxamuud 34 jir ah ku dhashay Baladweyne Degan Xamar ahna Maamula Mashruuca wacyi galinta caafimaadka (Health Promationย C4D) ee Wasaaradda aafimaadka DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS,

MAXKAMADDAย waxa u caddaatay in uu yahay madaxa Qaybta wacyigelintaย ย Talaalka wasaaradda Caafimaadka DFS, waxayna ku weyday dhammaan Qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna dib ugu celisay Xorriyadiisa.

  1. 9. EEDEYSANAHA 9AAD:ย Sumaya Axmed Cismaan Ina Duniyo Cabdulle Cali 27 jir ah ku dhalatay Xamar Degan H/wadaag ahna Xisaabiyaha Mashruuca TBda ee Wasaaradda Caafimaadka DFS, DFS Kuna Eeedaysan QODOBADA 241, 363, 366, 375, 376-/71 XCS,

MAXKAMADDUย waxa ay ku weyday dhammaan Qodobada lagu soo eedeeyay, waxayna dib ugu celisay Xorriyadeeda.

FG: MAXKMADDU WAXAY KALA NOQOTAY XUKUN SANAYAASHAย ย DAMAANADII AY KU JOOGEEN.

DHAMMAAAN DHINACYADA WAXAA U FURAN RACFAAN SU SIMAN MUDDO 30 MAALMOOD AH:

MAXKMADDU WAY INOO XIDHANTAHAY

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale