AMISOM oo xarumo waxbarasho ka hirgelisay degaanka Hosingow ee Gobolka Jubbada hoose.

Date:

Saraakiisha AMISOM ee ku sugan Jubbaland ayaa maamulka Dugsiga hoose ee degaanka Hosingow ku wareejiyay Saddex Fasal oo ay dayactir iyo dib u dhis ku sameeyeen Ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya.

Taliyaha qeybta Labaad ee AMISOM, Sarreeye Guuto; Paul Njema ayaa sheegay in go’aankan uu yimid markii ay Dadka degaanka ka codsadeen howlgalka midowga Afrika in laga taageero dhanka waxbarshada xilli ay booqasho ku tageen Hosingow Bishii May ee Sanadkan.

Janaraal, Njema ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ay tallaabadan horseedi doonto taageero iyo wada shaqayn dhex marta Bulshada iyo AMISOM, taas oo uu sheegay in ay xoojin doonto nabadda iyo ammaanka degaanka.

Guddoomiyaha degaanka Hosingow, Abdulkadir Omar Shire ayaa ugu mahadceliyay AMISOM taageerada waxbarasho ee ay u fidisay Bulshada Hosingow, wuxuuna ka codsaday midowga Afrika in ay ka caawiyaan dhismaha Dugsi sare oo uu degaanku yeesho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul wasaare Xamse oo ka qaybgalay abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xamsa Cabdi...

Wasiirka Qoyska oo qaabishay wafdi ka socday Qaramada Midoobay

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

CIIDAMADA QALABKA SIDA OO SI RASMI AH ISUGU FURAY WADDADA MUQDISHO ILAA BAYDHABO

Ciidamada Xoogga Dalka oo ku jiray maalmahan hawlgal sifayn...