Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan is-wareysi ah la qaatay bulshada iyo maamulka magaalada Sama-reeb+Sawirro.

Date:

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed “Cumar Filish” ayaa xalay kulan is-wareysi ah la qaatay dhallinyarada iyo maamulka magaalada Sama-reeb ee caasimadda Galmudug.

Qaar kamid ah dhallinyarada kulanka ka qeyb gashay oo dareenkooda ku muujiyay habab kala duwan oo gabayo ay ku jireen ayaa guddoomiyaha uga mahadceliyay sida uu uga aqbalay kulankooda waxeyna ku boggaadiyeen sii wadida horumarka caasimadda.

Guddoomiyaha degmada Sama-reeb mudane C/raxmaan Cali Maxamed ayaa guddoomiyaha gobolka Banaadir ku amaanay dadaalka uu u galay in gobolka Banaadir Aqalka sare uu ku yeesho metelaad uu hadda tilmaamay in ay waxyar ka dhimantahay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamuud Maxamed oo ka mahadceliyay kulanka ayaa dhallinyarada iyo maamulka magaalada Sama-reeb ku boggaadiyay sida ay uga shaqeeyeen amniga, wuxuuna ku dhiirrigeliyay in ay sii joogteeyaan amniga oo nolosha u ah udub dhexaad.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing Mogadishu

1- President Hassan Sheikh Mohamud has hailed the historic...

Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay kuna...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo guddoomiyay shirka 6aad ee wasiirrada A3 ah

Iyadoo ay socoto qabsoomidda Shir-Madaxeedka 39-aad ee Midowga Afrika,...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO ADDIS-ABABA KAGA QEYB-GALAYA SHIRKA MADAXDA AFRIKA

Addis ababa, Febaraayo,13, 2026; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...