Boliiska Caabudwaaq oo qabtay Maandooriyeyaal+Sawirro.

Date:

Ciidamada Booliska iyo kuwa millatariga Magaalada Caabudwaaq oo iskaashanayo ayaa waxay kusoo qabteen Qamri iyo Dadkii ka ganacsanayay, ka dib howlgallo ay Saacadahii lasoo dhaafay sameeyeen.

Taliyaha Boliiska saldhiga degmada Caabudwaaq G/le Qalbi Axmed Cali oo wareysi siiyay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen 7 kamid ah dadka ka ganacsada maandooriyaha Qamriga.

Taliyaha ayaa tilmaamay in maandooriyahaan laga soo geliyo dhanka Itoobiya, wuxuuna bulshada iyo dadka keenaba uga digay isticmaalka iyo ka ganacsiga Qamriga oo Diinta Islaamku mamnuucday isticmaalkiisa.

Khamriga ayaa lagu burburiyay goob fagaar ah oo ay ku sugnaayeen Dad weynaha Magaalada iyo saraakiisha qeybaha kala duwan ee Ciidamada amniga Caabudwaaq.

  

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir Fiqi oo sheegay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsan codsiyo u soo dirsadeen dowladda

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Guddoonka labada Aqal ee BFS oo ganaaxay Xildhibaanno qalalaaso ka sameeyay fadhigii wadajirka ahaa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Qaabilaadihii dublumaasiyiinta iyo Difaaca Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...