Dadaallo lagu xirayo goobaha uu ka fataho webiga oo ka socda Beledweyne.

Date:

Guddiga xalka waara ee fatahaadaha gobolka Hiiraan iyo Culimaa’udiin ka tagey magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa maanta kormeeray goobaha laga cabsida qabo in uu fatahaado ka sameeyo webiga Shabeelle.

Guddoomiyaha guddiga xalka waara ee fatahaadaha gobolka Hiiraan, Xaaji Cismaan Dhagaxow ayaa culimada uga mahadceliayay safarka dheer ay usoo galeen in ay indho indheeyaan meelaha ugu darran  ee webigu fatahaada ka sameeyo si looga xiro,wuxuuna tilmaamay in ay wadaan isku dayo lagu xirayo goobaha ugu waaweyn oo kala ah Hilikilyo, Qooqane iyo Guryo-Cadde.

Sheekh C/risaaq Macalin oo kamid ah culimada ka tegay magaalada Muqdisho ayaa bulshada Muslimiinta ugu baaqay in ay gacan ka geystaan sidii loo xiri lahaa goobaha webigu uu ka fataho, isagoo sheegay in culimadu ay u yimaadeen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaallada socda.

Culimadaan oo shalay gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa qeyb ka ah dadaallo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka ay ugu jiraan sidii looga qeyb qaadan lahaa xiritaanka goobaha uu fatahaada  ka sameeyo webiga Shabeelle ee mara Beledweyne,halkaas oo shacab badan sannad kasta ay ka barakacaan guryahooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...