Qarax Dad shacab ah ay ku dhinteen oo ka dhacay Beledweyne.

Date:

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay afaafka hore ee garoonka kubadda Cagta magaaladaasi.

Sida ay ku soo waramayaan wariyeyaasha warbaahinta Qaranka ee gobolka Hiiraan, khasaaraha horudhaca ah ee qaraxaasi ka dhashey ayaa la sheegay  in uu yahay geerida  inta la ogyahay 3 qof ,iyadoo ay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay.

Qaraxaan oo nuuciisu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa lagaliyay bannaanka hore ee  Garoonka ciyaaraha kubadda Cagta oo maalmahan ay ka socdeen tartamo sporti.

Saraakiil iyo ciidamada ammaanka ayaa goobtaasi tagay,waxaana durba billowday baaritaanno ku aadan ammaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...