Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa agab loogu tala galay xarunta ka digista halis-wadareedka ku wareejisay Heyâadda Gargaarka iyo Maareyta Musiibooyinka Dowladd-Gobaleedka Puntland
Agabkan oo loogu tala-galay in lagu qalabeeyo xarunta ka digista halisaha ayaa waxaa iska kaashaday Heyâadda Wasaaradda Gargaarka, WFP iyo muâasaasadda King Salman ee Boqortooyada Sacuudiga
Munaasabadda wareejinta agab-xafiiseedka ayaa ka dhacday xafiiska Heyâadda gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee  Dowlad-Gobaleedka Puntland ee HADMA.
Wafdi ka socday Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka uuna hoggaainaya Wasiir kuxigeenka Wasaaradda ayaa Masuuliyiinta HADMA Ku wareejiyay Qalabka xarunta.
Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooylinka DFS Xildh. Cabdirashiid Maxmuud Xasan ayaa si rasmi ah agabka ugu wareejiyay maareeyaha heyâadda HADMA Md Cabudullahi Cabdiraxman Ceeroow.
Ugu horreyn Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS Â oo ka hadlay Munaasabadda ayaa sheegay in Wasaaradda ku faraxsantahay in ay agabka keento Garowe si loo dhiso sarena loogu qaado awoodda-waxqabad heyâadda HADMA ee dhinaca Maareynta Musiibooyinka.
âFarxad weyn ay noo tahay in aan maanta soo gaarno Garoowe, Waxaan halkan u nimid si aan qalab loogu talagalay dhismaha xarunta ka digista halis-wadareedka aan ka dhisno Puntland si ay xarunta ugu adeegto shacabka iyo dowladda Puntland.â
Maareeyaha heyâadda Gargaarka iy oMaareynta Musiibooyinka Dowladda Puntland ayaa u ga mahadceliyay Wasaaradda Gargaarka dadaalka ay ku bixineyso xoojinta iyo dhisidda heyâadaha ka shaqeeya maareynta Musiibooyinka ee heer Dowlad-Gobal
Wuxuu sheegay in keenista agabkan uu ku soo aaday xilli heyâadda HADMA u qabtay baahi weyn in ay hesho agab wax ka tari kara kobcinta awoodda HADMA ee dhinaca saadaalinta, la socodka iyo ka jawaabidda halisaha iyo Musiibooyinka.
Dhinaca kale Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka DFS ayaa sheegay in Dowladd Soomaaliya ku dadaalayso sidii loo xoojin lahaa loona qalabayn lahaa heyâadaha iyo Wasaaradaha Gargaarka ee Dowlad-Gobaleedyada si ay awood ugu yeeshaan gudahashada waajibkooda.
Wasiirka wuxuu sheegay in Wasaaradda Gargaarka ay xoogga saareyso in la dhiso heyâadaha heer gobal maadaama ay iyaga saarantahay masuuliyadda dadka ku nool Goballada iyo degmooyinka dalka
âSi loo yareeyo saameynta Musiibooyinka ku yeeshaan bulshooyinka, loona xoojiyo kartida heyâadaha ka shaqeeya Maareynta Musiibooyinka ee ka jawaabidda halisyada, waxaa waajib ah in la sameeyo nidaamka ay heyâadahan ku saadaalin karaan, la socon karaan halisyada iyaga oo ka faaâiideysanaya aqoonta casriga ah iyo dadaalka isu-duwis oo ay waddo Wasaaradda Gargaark aiy Maareynta Musiibooyinka.â, ayuu yir Xidh. Cabdirashiid Maxamuud Xasan, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka.
Wasiir kuxigeenka ayaa u mahadceliyay dhinacyada Dowladda Soomaaliya ka gacan siiyay sidii loo qalabeyn ahaa xarumaha ka digista halis-wadareedka ee heer Qaran iyo Heer Dowlad-Gobaleedba
Wasiirka ayaa u mahadceliyay HADMA soo dhaweynta ay wafidiga xukuumadda ku soo dhaweeyay oo looogu talagalau xarunta ka digista halis-wadareedka.
Â
Â
Â
Â
Â
Â
 
