Wasiirrada Kalluumeysiga DFS iyo Dowlad Gobaleedyada oo shir ku yeeshay Muqdisho+Sawirro.

Date:

Sii hayaha Wasiirka kalluumeysiga iyo khayraadka Badda Dowladda Federaalka, mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, ayaa guddoomiyay shir maanta Muqdisho ku dhex maray wasiirrada Kalluumeysiga heer federaal iyo heer dowlad gobaleed oo looga hadlay arrimo badan oo ay kamid tahay heshiiska Khayraad qaybsiga.

Kulanka oo si qota dheer loogu falanqeeyay mashaariicda iyo horumarka ay wasaaradda kalluumeysiga Federaalku ka wadddo magaalooyinka dalka ayaa  waxaa goob  joog ka ahaa wasiirrada Kalluumeysiga dowlad gobaleedyada Galmdudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo Jubaland.

Kulanka oo qeyb ka ah kulamada joogtada ah ee ay wasiirradu ka yeeshaan horumarinta qayta kalluumeysiga dalka ayaa dhinac socda shirka wadatashiga sharciga iyo xeer nidaamiyaha Kalluumeysiga Soomaaliya oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho, kaas oo looga tashanayo dhammeystirka sharciga kalluumeysiga dalka oo dib u eegis lagu sameeyay.

Wasiirrada oo qodobadii ka ay ka hadleen is af-garad ka gaaray ayaa ku ballamay in kulan kale ay ku yeeshaan magaalada Baydhbo laba ama sedax todobaad kadib.

       

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo ka warbixiyay natiijooyin la taaban karo ee laga gaaray horumarinta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa...

Dowladda oo dishay xubnihii ugu badnaa ee khawaarijta u qaabilsanaa baada ay ka qaado shacabka Soomaaliyeed

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sii xoojisay dagaalka ka dhanka...

Wasiir Xasan Xuseen “Waxaan ku dadaaleynaa sidii looga shaqeyn lahaa badqabka xoolaha”

Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo Daaqa ee XFS...

Mashruuca badbaadinta dadka taagta daran oo ka socda Muqdisho iyo deegaanada dalka

Waxaa magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ka socda bixinta...