Guddiga farsamada ee ka talo bixinta arrimaha doorashooyinka ayaa la kulmay Madaxweyne goboleedyo.

Date:

Guddiga Farsamada ee ka baaraandegidda talooyinka la xiriira hannaanka iyo hab-sami u socodka arrimaha Doorashooyinka oo uu Guddoomiye u yahay Wasiirka Dastuurka ayaa la kulmay Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koonfur Galbeed.

Madaxweynayaasha ayaa ku ammaanay Guddiga shaqada ballaaran ee ay hayaan, kulamadan ayaa ahaa qaar loogu gogol xaarayo shirka Dhuusamarreeb 3, oo lagu wado in 15-ka bishan markale lagu qabto magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Guddiga ayaa sidoo kale la kulmay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo ay is waydaarsadeen talooyin iyo wada hadallo ku saabsan arrimaha Doorashooyinka.

Wasiir Saalax Axmed Jaamac Wasiirka Dastuurka ahna Guddoomiyaha Guddiga ka baaraandagga iyo ka tala-bixinta doorashooyinka ayaa sheegay in kulankii maanta uu guul ku soo idlaaday, ayna sii dar dargelinayaan howlaha horyaalla.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiiru Dowlaha Isgaarsiinta oo kulan la qaatay Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Qatar

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknolojiyadda JFS, Mudane Ahmed...

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda oo ka qeybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dambiyaynta Gumaysiga Afrika

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cali Maxamed...

Howlgal ka dhan ah khawaarijta oo ka dhacay Shebeellaha Dhexe

Ciidanka Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gorgor ayaa howlgal...