Wasiirka Caddaaladda: “Baaritaan ayaan ku sameyneynaa Weerarkii Xabsiga dhexe.

Date:

Wasiirka Cadaaladda Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa sheegay inay baaritaan dheeraad ah ku sameyn doonaan oo lagu ogaanayo sababtii ka dambeysay weerarkii shalay ka dhacay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, isagoo bogaadiyay kaalinta ciidamada ammaanka ay ka geysteen howlgalkii ay ka fuliyeen gudaha xabsiga dhexe.

Wasiirka oo shacabka kala hadlayay Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in ciidamada ay nolosha ku qabteen lix ka mid ah kuwii maanta falalka amni darro ka geystay gudaha xabsiga dhexe ee Xamar, kuwaasi oo haatan ay ku socooto baaritaano dheeraad ah oo lagu ogaanayo sababta ka dambeysay weerarki shalay ka dhacay xabsiga gudahiisa.

Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in bulshada Soomaaliyeed ay la wadaagi doonaan baaritaannada scocda wixii ka soo baxa.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Safiirka Soomaaliya ee Koonfur Afrika oo ka qayb galay kulan ay isugu yimaadeen safiirrada dalalka Afrika ee Koonfur Afrika

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Koonfur Afrika,...

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

1- President Hassan Sheikh Mohamud spoke with the re-elected...

Warbixinta Toddobaadlaha ee DFS oo soo baxday

1- Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wadahadal Khadka telefoonka...