Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo kormeeray isbitaalka deegaanka Gawaan ee gobolka Mudug+SAWIRRO.

Date:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiiro, Xildhibaano Iyo maamulka Gobolka Mudug ayaa kormeer ku sameeyey isbitaalka degaanka Gawaan ee Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa safar dhulka ah uga soo amba baxay magaalada Hobyo oo ay shalay uu kaga qeyb galeen dhagax dhigga isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka Degmadaasi oo Marwada koowaad ee dalka Seynab Macallin iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay si wadajir ah u dhagax dhigeen.

Socdaalkaan ayaa noqanaya kii u horeeyay ee guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ku yimaada Magaalada Gaalkacyo, kadib markii shalay uu gaaray Degmada hobyo halkaas oo isaga iyo marwada koowaad ee madaxweynaha dalka ay markii u horeysay ka dhagax dhigeen dhismaha isbitaal si lacag la’aan ah uga faa’ideeysan doonaa marka la hirgaliyo bulshada ku nool dagmada hobyo oo mudooyinkii u danbeeyay walaac Ka muujinayay baahiyada dhanka adeegyada caafimaadka oo ku liita.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Wakiilka hey’adda (UNICEF) ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee Dhuusamareeb oo ka warbixiyay halka ay marayaan howlaha gurmadka

Guddiga Gurmadka Abaaraha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa ka warbixiyay...

Diinsoor oo ku soo baxday tartan cilmiyeedkii bisha Ramadaan

Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Baay ayaa u...

Horjooge sare oo ka tirsanaa Khawaarijta oo la khaarijiyay

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) oo kaashanaya...