QM oo sheegtay in ay kumannaan Soomaali ah ku xanniban yihiin Dalka Yemen.

Date:

Hayโ€™adda Qaramada midoobay u qaabbilsan socdaalka ee IOM ayaa sheegtay in kumannaan musaafuriin sharci darro ah ay ku xayiran yihiin Dalka Yemen, halkaas oo ay ka jiraan colaado daba dheeraaday.

Waaxda IOM u qaabbilsan baxnaaninta barakacayaasha ee DTM ayaa diiwaan gelisay 3,669 musaafuriin ah, kuwaas oo badankood ka tagay Soomaaliya intii u dhaxaysay April illaa June 2020, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay hayโ€™adda socdaalka Adduunka.

Warbixinta ayaa sidoo kale lagu sheegay in Dad gaaraya 4000 oo musaafuriin sharci darro ah una badan Soomaali ย ay hayโ€™adda IOM ka codsadeen Bishii June ee Sanadkan taakuleyn ku aaddan in loo celiyo Dalkoodi Hooyo.

Musaafuriinta sharci darrada ah oo badankooda ka tagay geeska Afrika ayaa waxay Dalka Yemen gaareen xilliyo kala duwan, si ay fursado shaqo iyo nolol ugu raadsadaan Waddamada Khaliijka Carabta.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta oo gaaray magaalada London.

Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Al-Cadaala, ayaa...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Raโ€™iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Dekadaha XFS oo Golaha Wasiirrada uga mahadceliyey ansixinta Xeer-nidaamiyaha Diiwaangelinta Gaadiidka Badda.

Muqdisho, Jannaayo 29, 2026; Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka...