Marwada Madaxweynaha Dalka oo dhagax-dhigtay Cisbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka Hobyo+Sawirro.

Date:

Marwada Madaxweynaha Dalka Saynab Cabdi Macalin iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid  ayaa maanta dhagax-dhigay  Isbitaalka Hooyada iyo dhalaanka ee Degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Dhagax-dhigga waxaa ku wehlinayay guddoomiyaha golaha wakiilada Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ,Guddoomiyaha gobolka mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal  iyu masuuliyiin ka socday hay’adda Qatar jaarati ee Soomaaliya.

Marwada Madaxweynaha Dalka Saynab Cabdi Macalin ayaa sheegtay inay aad ugu faraxsanatahay in xafiiskii ugu horeeyay ee noocaan ay ka hirgaliso degmada Hobyo waxaana sidoo kale ay sheegtay in xaruntaa loo dhisay dhammaan deegaanada hoosyimaado.

“Waxaan idin kula dar daarmayaa inaad ilaashataan xarunta muhiimka u ah Haweenka Soomaaliyeed sidoo kale Sharaf ayay ii tahay inaan wax uqabto dadkeyga iyo dalkeyga hase ahaate waxaa igu dhaliyay in xaruntaa dhiso fariin iiga timid haweenka deegaanka ayay ku dartay hadalkeeda marwo Seynab Cabdi Macalin Marwada madaxweynaha dalka.

Sidoo kale Marwada madaxweynaha Dalka Seynab Cabdi Macalin waxaa ay sheegtay in mashruucaan dhismaha xarunta  hooyada iyo dhalaanka qarashka ku baxaya ay ka kaashaneyso Hay’adda Qatar Jaarati sidoo kale dhulkane uu bixiyay muwaadin Soomaaliyeed Abshir Diine Cawaale

Ugu dambeyn marwada madaxweynaha dalka waxa ay u mahadceliyay dhammaan bulshada iyo masuuliyiinka kala duwan ee soo dhaweynta diiran usameeyay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KA TACSIYEEYAY GEERIDA MARXUUM MAXAMED FAARAX JIIS

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay gobolka Shabeellaha Dhex

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Gorgor, ayaa...

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq raashin ah oo la gaàrsiiyay

In ka badan 1,100 qoys ayaa ka faa’iideystay deeq...

Xilheynta xilalka heer gobolka iyo degmo ee maamulka K/Galbeed

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta Dowladda Soomaaliya ayaa...