Ciidamada Danab oo burburiyay saldhig ay argagaxisada ku lahaayeen Jubbooyinka.

Date:

Kadib howlgal qorsheysan oo ciidanka kumaandooska Danab ee xoogga dalka ay ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Lafaha-ragga oo u dhow birta dheer, islmarkaana magaaladda kismaayo ee Xarunta Jubbada hoose u jirta 60 KM ayey gabi ahaanba ku bur-buriyeen saldhig Kooxda Alshabaab ay ku lahaayeen halkaasi, iyagoo qasaaro gaarsiiyey  maleeshiyaadkii ku dhuumaaleysanayay, gacantana ku dhigay saanad ciidan oo  halkaas u taalay.

Deegaanka ayaa ahaa xarun ay isaga kala gudbi jireen maleeshiyaadka argagixisada al-shabaab, waxaana haatan fariisin ka dhigtay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Howlgalka qorsheysan ee ay fuliyeen ciidanka kumaandooska danab, gaar ahaan ururka 5-aad ayaa waxaa qasaare xooggan lagu gaarsiiyay argagixisada, waxaana halkaasi looga dilay Lix maaleeshiyaad ah sida uu Idaacadda Codka Ciidamadda Qalabka Sida us heegay Taliyaha Guutada 16-aad ee kumaandooska danab G/le Ismaaciil Cabdimaalik Maalin.

Ciidanka kumaandooska xoogga dalka ayaa inta badan gobolada dalka waxey kawadaan howlgalo ay ku baacsanayaan maleeshiyaadka argagixsada al-shabaab, islamarkaana lagu bur-burinayo goobaha ay ku dhuumanayaan Nabad diidka arxanka darran.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

NISA oo duleedka Afgooye ku dishay dhagar-qabe ka tirsanaa Khawaarijta.

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa howlgal...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo guddoomiyay shir amni oo lagu qabtay magaalada Laascaanood.

Wasiirka Amniga Gudaha XFS Janaraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag)...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo baaq u diray Hay’adaha dowladda iyo kuwa caalamiga ah.,

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo Khudbad Qaran u jeedinaya Shacabka kuna saabsan Arrimaha Muhiimka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow shacabka...