Saciid Deni oo lagu soo dhaweeyay deegaanka Saaxo ee Gobolka Mudug.”Sawirro”

Date:

Wafdiga Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Punland Mudane Saciid Cabdullaahi Deni oo ujeedka socdaalkoodu ahaa u kuurgalidda xaaladaha nololeed iyo adeegyada Bulshada ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay deegaanka saaxo oo hoostaga Degmada Goldogob ee Gobalka Mudug

Ugu horeyna maamulka iyo bulshada deegaanka ayaa Madaxweynaha Puntland iyo wafdigiisa uga warbixiyay xaaladaha la xariira dhanka adeegyada aas aaska u ah nolasha aadanaha ee ka jira deegaankaasi iyo baahiyada jira

Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dowlad gobaleedka Puntland ay xil iska saarayaan ka warqabka baahiyada heysata shacabka Soomaaliyeed ee reer Puntland meel kasta oo ay joogaan, isagoo dhanka kalana ku booriyay ka shaqeynta amniga iyo ilaalinta daris wanaaga iyo nabad ku wada noolaashaha.

Sidoo kale Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sidoo kale kormeeray xerada Ciidamada daraawiishta Puntland ee deegaanka Saaxo, isagoo xariga ka jaray saldhiga booliska deegaankaasi, isla markaana dhagax dhigay dhismaha xarumaha adeegyada Bulshada qaarkood kuwaas oo la qorsheynayo in halkaasi laga hirgaliyo mustaqbalka dhaw

Deegaanka Saaxo ayaa ka mid ah deegaannada ay ragaadiyeen horumarkooda colaadaha ka jiri jiray Gobalka Mudug balse iminka ka soo kabsatay coladda.

W/D Wariye Cabdirisaaq Maxamed Axmed Gaalkacyo.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...