Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay xubno ku matalaya guddiga talo-bixinta hannaanka doorasho ee dalka

Date:

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa Magacaabay Guddiga Farsamada ee ka shaqeyn doona hanaanka doorashooyinka xubnaha uga soo aadday maamulka Galmudug.

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu sheegay in xubnahaan ay ku biiri doonaan guddigii horay ay u soo magacaabeen maamulada dalka ka jira iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Wareegtadaan ayaa u qorneyd sidatan:-

Markuu arkay; qodobka 50-aad, Faqradiisa 4aad, ee Dastuurka Dowladda Galmudug, markuu tixgeliyey; qodobka 5-aad ee war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb ee Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

Qodobkaas oo farayay in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, si ay uga talobixiyaan hannaanka doorashooyinka dalka.

Sidaas darteed, Madaxweynuhu wuxuu magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Dowladda Galmudug waxayna kala yihiin:-

1- Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdi waayeel) Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug.

2- Kamaal Daahir Xasan Guutaale oo ah Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Somalia, Gudoomiyihii Xisbiga Wadajir, Musharax Galmudug mar isku sharaxay iyo lataliye sare oo ka tirsan Xafiiska Madaxwaynaha Galmudug.

Dowladda federaalka, maamulka gobolka Banaadir iyo dowlad goboleedyada kala Puntland, Jubbaland, Hir-Shabelle, ayaa horay u soo magacaabay xubnaha ku meteli doona guddiga farsamo ee kasoo talo-bixinaya hannaanka doorashooyinka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xildhibaanada labada Aqal oo ansixiyey qaraar ku saabsan diidmada iyo ka-hortagga xadgudubka Israa’iil

Mudanayaasha labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo...

Madaxweynaha JFS oo khudbad u jeediyay Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Dowladda Nayjeriya oo si adag u cambaareysay xadgudubka Israa’iil kula kacday midnimada Soomaaliya

Dowladda Jamhuuriyadda Federaalka Nayjeeriya ayaa si cad u muujisay...

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Hindise Sharciyeedka Mamnuucidda Gudniinka Fircooniga

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...