Tirada dhimashada uu COVID-19 ku dilay Maraykanka oo kor u dhaafaysa 150,000 ruux.

Date:

Mareykanka tirada dhimashada ee feyraska Corona ayaa dhaaftay 150,000 oo ruux, taas oo ah tirada ugu badan oo corona uu ku dilay dalkaas.

Ku dhowaad 16.5 milyan oo kiis ayuu hadda marayaa COVID-19, iyadoo 9.7 milyan oo qof ay ka bogsoodeen guud ahaan caalamka, tirada dhimashada adduunka ee feyraska ayaa gaaraya 659,000 qof, sida laga soo xigtay jaamacadda Johns Hopkins.

Mareykanka ayaa ah dalka ugu horeeyay kiisadka feyraska Corona, afhayeenka aqalka wakiilada Mareykanka, Nancy Pelosi ayaa arbacadii fartay dhammaan xubanaha aqalka in ay xirtaan afxirka ama Face Mask.

Waxay sheegtay in xildhibaanka uu iska furo marka uu hadlayo ka dibna looga baahan yahay in uu xirnaado.

“Guddoonka, dhammaan xubnaha golaha iyo shaqaalaha waxaa looga baahan yahay in ay raacaan tilmaamaha caafimaadka kuna dadaalaan badqabka saaxibadooda golaha la fadhaya iyo dadka kale ee ku hareereysan ,” ayay tiri Pelosi.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii sanatorka jamhuuriga ah ee Louie Gohmert, oo diidi jirey xirashada afxirka, arbacadii laga heley xanuunka COVID-19, sidoo kalena sadex kamid ah saaxibadiisa la karaantiiley.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...