illaa iyo 10,000 oo qof ayaa gudanaya waajibaadka xajka sanadkan feejignaanta Coronavirus aawadii, dowladda Sacuudiga ayaa si aad ah uga taxadaraysa faafaha saf-marka ah ee COVID-19 ee dunida sida weyn u wax yeellay.
Wasaaradda Xajka Sacuudiga ayaa mar sii horreysay sheegatay in sanadkan si aad ah loo dhimmay xujeyda gudan laheyd waajibaadka Xajka ee Tiirka 5-aad ee islaamka, ku dhawaad 2 Milyan oo ruux ayaa sanad walba maanta oo kale Baanka Carafa taagnaan jiray.
ha yeesheese dowladda Sacuudiga xujeyda ay oggolaatay in ay gutaan waajiaadka Xajka ee sanadkan ayaa ka imaanaya Sacuudiga iyo dalalka ku xeeran iyadoo xuduudaha loo furay xujeyda ka imaanaysa dalalka khaliijka, isla markaana Xujaydu ay marayso hannaan sahlaya ka hortagga COVID-19 si loo sugo badqabka Xujeyda sida ay shaacisay Wasaaradda Xajka Sacuudiga.