Guddiga Doorashada Ivory Coast oo sheegay in ay qaban doonaan tartan hufan.

Date:

Guddiga doorashooyinka dalka Ivory Coast ayaa arbacadii sheegay in ay qaban doonaan doorasho xor iyo xalaal ah xilli madaxweyne Alassane Ouattara laga codsanayo in uu isa soo sharaxo, iyadoo baaqa mucaarad ah ee ah in uusan xaq dastuuri ah u laheyn la iska dhaga tirayo.

Doorashadan ayaa ah tijaabada ugu weyn ee laga gaaray xasiloonida nuqul ee ka dambeysay dagaalkii sokeeye ee koobnaa kaas oo 3,000 oo ruux ku dhinteen 2010 iyo 2011.

Doorka guddiga ee qabashada doorashada waa mid xasaasi ah.

Guushii  madaxweyne  Ouattara ee 2010 ayaa keentay qalalaase ka dib markii madaxweynihii xilligaas diiday in uu aqbalo natiijada codbixinta.

Guddiga qaran ee doorashadooyinka ayaa qorsheynaya in ay isbedel ku sameeyaan qaar kamid ah xubaha ayagoo la tashi la sameynaya dhammaan xisbiyada, sida uu Reuters u sheegay guddoomiyaha guddiga Ibrahime Coulibaly Kuibert.

“Hadafkeena kowaad waa in aan sameynaa hanaan lagu kalsoonaan karo isla markaana hufan ,” ayuu yiri.

Qabsoomidda doorashada madaxtinimada ayaa walaahow soo food saaray horaantii bisha markii uu geeriyooday ninka la aaminsanaa in uu bedeli doona madaxweyne Ouattara, ka dib markii 78 sano jir ah dhaqaalaha ku tashasusay uu sheegay in uusan isu soo sharaxi doonin doorashada mar kale.

 “Waligay idin kama niyad jabin”

Arbacadii, Isagoo ka jawaabayay codsiga rasmiga ah ee ugu yimid xisbigiisa RHDPR oo ah in uu isa soo sharaxo ayuu madaxweyne, Ouattara sheegay in uusan waligii niyad jabin ayaga.

Waxaa uu xubnaha xisbiga u sheegay in go’aankiisa kaga dhawaaqi doono khudbadda qaranka  oo la qaban doono 6 bisha soo aadan ee August.

Mucaaradka waxay leeyihiin sida uu dastuurka qabo labo muddo xileed ka badan looma ogola, laakiin Ouattara waxaa uu ku doodayaa in muddo xileedkiisa hore  in uusan lagu xisaabin Karin dastuurka cusub ee 2016 la soo saaray.

Musharaxiinta kale waxaa kamid ah Henri Konan Bedie, oo madaxweyne soo noqday 1993-1999 iyo hogaamiyaha xisbiga ugu weyn dalka  Ivory Coast ee PDCI.

Mr. Bedie ayaa telefishinka France 24 u sheegay in isaga iyo madaxweynihii hore  Laurent Gbagbo ay ku heshiiyeen in ay xisbiyada kale taageeri doonan marka ay dhacdo doorasho ku celis ah si looga adkaado Ouattara.

Gbagbo, ayaa ku nool hadda Belgium sanadkii hore ayaa waxaa dambi ku weyday maxkamadda dambiyada dagaalka ee ICC, wali lama xaqiijin in uu musharax u noqon doono xisbigiisa FPI.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirka Labaad ee Kaabayaasha Tayada Qaranka oo Muqdisho ka furmay

Waxaa maanta Muqdisho ka furmay Shirka Labaad ee Kaabayaasha...

Boliiska oo digniin adag kasoo saaray sumcad-dilka iyo aflagaado loo geysto madaxda qaranka & ku xadgudubka diinteenna suuban

Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa digniin adag kasoo saaray sumcad-dil...

Taliyaha Ciidanka Dhulka :Dadka deegaanka ayaa sabab u ah in ciidanku ku jebiyaan Khawaarijta Ceeldheer

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi...

Afar fariimood oo ay dirtay jabinta difaacyadii iyo duullaankii Khawaarijta

Jabkii isdaba joogga ahaa ee khawaarijta ka soo gaaray...