WHO oo faafaha daran ku tilmaantay musiibadii ugu darneyd dunida.

Date:

Hay’adda caafimaadka  adduunka ee WHO iyo khuburo dhinaca caafimaadka ka shaqeeya ayaa maalmihii lasoo dhaafay ka shiray saamaynta uu cudurka Corona ku reebay dunida, waxayna warbixin ay soo saareen ku sheegeen in cudurka Corona noqday masiibado caafimaad midii ugu darnayd ama ugu xumayd ee caalamka soo martay.

Waxay sidoo kale intaa ku dartay WHO in cudurka Corona ama Covid-19 uu adduunka kusoo kordhiyay dhibaatooyin salka ku haya dhaqaale xumo iyo caafimaad darro isla markaana uu haleelay dad tiro ahaan gaaraya 16.5 milyan oo ku kala nool adduunka oo dhan.

Agaasimaha guud ee WHO Tedros Adhanom Gebresos ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Geneva ku sheegay arrimahan iyo kuwo kale oo la xiriira shaqooyinka ay WHO ka hayso caalamka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Guuto...

Wasiirka Arrimaha guddaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo la kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-Heshiisiinta XFS Mudane Xildhibaan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo hoggaamiyey munaasabad lagu wareejinayey agab caafimaad

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddoomiyaha gobolka Banaadir oo dhagax dhismaha wadadda Cabdiqaasim

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....