Safiirka Suudaan Ee Soomaaliya Oo La Kulmay Wasiirka Beeraha Suudaan +Sawirro

Date:

Danjiraha Soomaaliya ee Suudaan iyo Wasiirka Beeraha iyo Khyeraadka Dabiiciga ah ayaa isku afgartay adkeynta xiriirka dhinacyada kala duwan sida horumarinka iyo iskaashiga Beeraha iyo wax soo saarka, ka dib markii ay ku kulmeen caasimadda Suudaan ee Khartoum.

Kulanka danjire Maxamed Sheekh Isxaaq iyo Wasiirka Beeraha iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Suudaan Eng. Cabdiqaadir Turkaawi waxaa ku wehliyay uqeybsanahay arrimaha ganacsiga ee Safaaradda Soomaaliya ee Suudan.

Mas’uuliyiintan ayaa intii Kulankoodi uu socday waxaa ay ka wada hadleen xiriirka sooyaal ee u dhaxeeya labada dowladood, iyo sidii sare loogu qaadi lahaa xiriirka soo jireeynka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Suudan.

Waxyaabaha ay isla garteen waxaa kamid ah adkeynta xiriirada dhinacyada kaladuwan leh,horumarinta iskaashatadda beeraleeyda iyo Wax soo saarka dalagga beeraha iyo kuwo kale oo badan.

Dalalka Soomaaliya iyo Suudaan ayaa waxaa ka dhexeeya xiriir soo jireen ah,kaasi oo ku qotoma iskaashiga dhinacyo badan sida Siyaasadda,Dhaqaalaha diplomaasiyadda beeraha iyo wax soo saarkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowladda Turkiga oo taageertay madax-bannaanida iyo midnimada Soomaaliya

Dowladda Turkiga ayaa si weyn u garab istaagtay madax-bannaanida...

Degmooyinka Galmudug ayey ka dhaceen isu soo baxyo waaweyn oo lagu difaacayo midnimada dalka

Kummanaan shacab ah oo kasoo horjeeda xadgudubka Israa’iil ayaa...

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay oo uga digay Israa’iil

Safiirka Soomaaliya u fadhiya Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, Danjire...

Dowladda Kuwait oo si adag u cambaareysay faragelinta Yahuudda ee Soomaaliya

Dowladda Kuwait ayaa si adag u cambaareysay faragelinta ay...