Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ka digtay dabeylo ku soo wajahan qaar ka mid ah Gobolada Dalka.

Date:

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka ee DFS ah ee Soomaaliya ayaa digniin kasoo saartay Roobab dabeylo wata oo kuso wajahan qaar ka mid ah Gobolada dalka.

War-Saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka DFS ayaa waxaa lagu sheegay in dabeylahaan la filan karo inay dhacaan saacadaha soo socdo, sigaar ahna uga dhacaan degmooyinka, Kismaayo, Afmadow, Jamaame, Badhaadhe, Marka iyo Baraawe oo ka tirsan Jubbooyinka iyo Shabeellaha Hoose.

Wasaaradda Gargaarka iyo maareynta musiibooyinka DFS ayaa waxaa ay sidoo kale sheegtay in cabsida ugu weyn ee dabeylahaan ay tahay inay sababaan burbur hantiyadeed sida Guryaha ku dhow dhow deegaannada Xeebaha ah iyo doomaha kalluumeysi,waxaana ay ugu baaqday dadka degan deegaannada Xeebaha inay ka digtoonadaan khataraha ka dhalan kara dabeylahaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Kulan ku saabsan u-diyaargarowga iyo ka hortagga cudurka Ebola oo ka furmay Muqdisho

Waxaa goor dhow ka furmay Xarunta Qaran ee Howl-gallada...

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay amniga gobolka Bay

Taliye ku xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo Xarigga ka jaray xarunta Cusub ee Degmada Shangaani

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....