Cabdi Xaashi C/laahi, Guddoomiyaha Aqalka Sare Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Oo Garowe Kaga Qeyb galay Aaska Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Date:

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Puntland mudane Saciid C/laahi Deni ayaa magaalada Garowe ku soo dhaweeyay guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo gaaray halkaas si ay uga qeyb galaan aaska Qaran oo loo sameeyay Madaxweynihii hore ee Dowlad Goballeedka Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi Oo Dhowaan  Ku geeriyooday Dalka Kenya.

Wafdiga oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa waxaa si diiran halkaasi ugu soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland C/rashiid Yuusuf Jibriil iyo labada Guddoomiye ku-xigeen ee Baarlamaanka Puntland, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha, Saraakiil Ciidan iyo masuuliyiin kale.

Aaska marxuumka oo ka dhacay magaalada Garowe ayna ka qeyb galeen gebi ahaan madaxweyneyaasha Dowlad Goballeedyada iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare Ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyadoo aas qaran loogu sameeyay meydka Allaha u naxariistee Maxamed Cabdi Xaashi, Madaxweynihii hore ee Puntland oo Dhowaan ku geeriyooday dalka Kenya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...