Imtixaanka Fasaladda 8-aad ee Gobalka Banaadir Oo Soo Gaba-gaboobay+Sawirro

Date:

Guddoomiye Ku xigeennada Maamulka iyo Maaliyadda Gobalka Banaadir Mudane Axmed Xasan Iimaan iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Arrimaha Bulshda Gobalka Banaadir Marwo Basma Caamir Axmed ayaa maanta soo xiray imtixaanka Fasalada 8-aad oo Afartii Maalin ee la soo dhaafay ka socday Gobolka Banaadir oo ay u fariisteen ku dhowaad 27,000 oo Arday, kaa soo ay maamulayeen maamulka Gobalka Banaadir.

Masuuliyiintaan ayaa maanta kormeer ku sameeyay goobaha ay imtixaanaadka ay ka socdeen iyagoo dhirigalinyay ardayda waxaana ay in tabadan ku dhiiri galiyeen inay xoogga saaraan waxbarashada.

“Waxaan u hambalyeynayaa Ardayda nasiibka u yeeshay in imtixaanka ay si nabad ah ku dhameystaan iyadoo dalka uu wali xoogga saarayo xakameynta cudurka safmarka ah ee Covid-19, sidoo kale Gobolka Banaadir waa ka go,antahay in kor loo qaado heerka waxbarashada gobolka .ayay ku dartay guddoomiye Basmo.

Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa caasimada Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar Filish) ayaa 11-kii bisha furay Imtixaanka fasalada 8-deedaad Gobalka Banaadir iyagoo ay sanadkaan fadhiisteen in ka badan 27,000.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO SHIR GUDDOOMIYEY KULANKA AAN CAADIGA AHEYN EE GUDDIGA JOOGADA

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay Xuska Sanad-guurada Aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS “Geesiyaasha CXD waa kuwa badbaadiyey 20 milyan oo Soomaaliyeed”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, oo...

Madaxweynaha JFS oo ka qeyb galay sanad-guurada 66-aad ee aasaaska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha JFS, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Wasaaradda Gaashaandhigga...