Dhallinyaro hal Abuur Ganacsi cusub ku soo kordhiyay Magaalada Xudur

Date:

Hal abuurkaan ganacsi cusub oo ay dhallinyarada magaalada ka horgeliyeen ayaa ah xaruun lagu iibiyo agabka isboortiga isla

markaana lagu buufiyo qoraalo, calaamadana loogu sameeyo dharka cayaartoyda, xayeysiinada iyo boorarka xafladaha loo isticmaalo intaa waxa u dheer kuwo laga soo dalbado Degmooyinka kale ee gobolka Bakool.

Xaruunta Isboortiga ee Bakool oo fikrkeedu leeyihiin dhallinyaro ka go’an in ay wax kabedelaan shaqo la’aanta dhallinyarada kacabanayaan, bulshadana ka haqab tiraan baahiyhooda ayaa hirgeliyey hal abuurkaan ganacsi oo xiligii hore bulshada ku adkeyd in si sahlan ku helaan, waxayna ka dalban jireen magaalooyinka kale ee dalka qarash iyo waqti badana uga bixijirey.

Cabdiraxmaan Yarow waxa uu ka mid yahay dhallinyarada hal abuurkaan ganacsi ka sameeyey magaalada Xudur waxaana uu sheegay in ganacsigooda ay gaarsiin doonaan gobollada kale ee dalka.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed meel walbo ay joogaan waxay kacabanayaan shaqo la’aan, qaarkood waxay fadhiyaan derbiyada oo baaga muundo ku yihiin, rajadooduna tahay in ay ka shaqeeyaan xafiisada dowlada ama hay’adaha waxay u baahan yihiin wacyigelin si xirfado shaqo abuur ah ula yimaadaan”ayuu yiri Cabdiraxmaan.

Bahda isboortiga Degmada Xudur ayaa dhallinyarada xaruuntaan aas aastay ku amaanay sida ay ugu dhiiradeen xirfad ganacsi oo baahi weyn looqabay, ayna soo dhaweynayaan hal abuurka cusub oo ay dhllinyarada la yimaadeen.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda Boqor Salmaan oo deeq waxbarasho gaarsiisay carruur agoon ah oo ku nool Baydhabo

Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo xafiiskiisa ku qaabilay Abwaan Mustafa Sheekh Cilmi

-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr....

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka dalka oo daahfuray madasha labaad ee Istiraatiijiyadda warbaahinta 2026

Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka hadlay horumarinta Warbaahinta Dowladda iyo tayeynta wariyaasha

-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdulfataax...