Taliska Booliska Soomaaliya oo faafaahin ka bixiyay Qaraxii ka dhacay laanta Canshuuraha.

Date:

Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa faahfaahin ka bixiyay gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo Saakay lala beegsaday waaxda ilaalada Canshuuraha Biriga oo ku taalla kasoo horjeedda Dekedda Muqdisho gaar ahaanย  Dhabarka dambe ee Xarunta degmada Xamarjajab.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in Qaraxaasi ay ku dhaawacmeen Shan ruux oo ka mid ahaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Ciidanka ilaalinayay xarunta.

Waxaa uu sheegay in Ciidanka Booliska rasaas ku fureen ka hor inta uusan soo gaarin xarunta Ilaaladda Canshuuraha, islamarkaana uu ku geeriyooday kaliyah qofkii waday gaariga Qarxay.

Afhayeenka ayaa nooca gaariga qarxay ku sheegay in uu ahaa kuwa raaxadaย  ee loo yaqaana Surf Madow ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale