Taliska Boliiska Oo Gacanta Ku Dhigey Xubno Ka Tirsan Alshabaab

Date:

Afhayeenka Ciidanka Booliiska, Dhamme Sadiiq Aadan Cali ayaa sheegay in howlgal ciidanku ka sameeyeen degmada Dharkenley lagu soo qabtay nin ka tirsan Alshabaab, kaas oo hadda ku jira gacanta dambi baarista Booliiska ee CID.

Eedeysanaha ayaa magaciisa lagu sheegay Xasan C/laahi Salaad, kaas oo sida afhayeenku xusay laga soo qabtay 15 bishan xaafadda Dabakaayo- Madow ee degmadaas, waxaana ninkan oo ka tirsanaa kooxda Amniyaadka ee argagaxisada Alshabaab isaga iyo kuwo kale oo lala soo qabtay Studio lagu kireeyo Cajaladaha Filimada iyo Heesaha Jaaska lagu ciyaaro oo ay ku lahaayeen xaafadaas.

Waxa ay u muuqataa in u jeeddada Studiyahan ay u furteen ay ahayd sidii aan looga shakin laheyn falalkan guracan oo ay ku lug leeyihiin, maadaama dadka intiisa badan argagaxisada ka aaminsan yihiin wax ka duwan kireynta heesaha Jaaska, laakiin waxaad ogaataa in Alshabaab ku jiraan dambi ka weyn midka kaas ka weyn oo ah baneysiga dhiiga dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah.

Afhayeenka Ciidanka Booliiska ayaa sidoo kale, waxa uu ka warbixiyay howlgalada amniga lagu sugayo oo ciidanku ka wadaan caasimadda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

RW Xamsa Cabdi Bare oo xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda Turkiga

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo Guddoomiyey Shirka Agaasimiyaasha Guud ee Wasaaradaha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo magacaabay Agaasimaha Guud Arrimaha Dastuurka ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Soomaaliya iyo Pakistan oo kala saxiixday Heshiis Ka-Dhaafid Fiiso oo ku Saabsan Baasaboorrada Diblomaasiyadeed

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan...