Madaxda Labada Gole Ee Baarlamaanka Soomaaliya Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Qoraa Maxamed Baashe

Date:

Marxuum Maxamed Baashe Xaaji Xasan waxa uu ahaa Qoraa weyn oo Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxman iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee dalka Mudane Cabdi Xaashi C/laahi ayaa tacsi tiiranyo leh u diray dhammaan Ummadda Soomaaliyeed, qoyska iyo eheladii uu ka geeriyooday marxuum Maxamed Baashe Xaaji Xasan oo ahaa Qoraa weyn oo Soomaaliyeed.

Marxuum Maxamed oo ahaa aqoonyahan ayaa kaalin weyn ku lahaa keydinta taariikhda Ummadda Soomaaliyeed, Guddoomiyaha ayaa marxuumka Alle uga baryey inuu janadiisa firdowsa ka waraabiyo qoyskii uu ka baxayna samir iyo iimaan alle ka siiyo. Aamiin, Aamiin.

 

Innaa Lillahi Waa Inaa Ilayhi Raajicuun.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoonka labada Aqal ee BFS oo ganaaxay Xildhibaanno qalalaaso ka sameeyay fadhigii wadajirka ahaa

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Qaabilaadihii dublumaasiyiinta iyo Difaaca Qaranka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi...

Booliska Soomaaliya oo xiray dhalinyaro ku Eedeysan qalqal-gelin amni

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa...

Horjoogaal Khawaarijta ka tirsan oo lagu khaarijiyay howlgal laga fuliyay Gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa howlgal qorsheysan ka sameeyay deegaanka...