Galmudug Oo Xerada Dhaan-Karooni Isugu Geysay Ciidamada Ka Mid Noqonayo Daraawiishta+Sawirro

Date:

Xeradii Labaad ee ciidamada Daraawiishta Galmudug lagu xaraynayo laguna tababarayo ayuu wasiirka amniga dawlad goboledka Galmudug Axmed Macalin Fiqi uu  isugu geeyey gaadiid dagaal iyo ciidamadii saarnaa.

Xerada tababarka Dhaan-Karrooni ee dhacda duleedka Galinsoor- Galguduud ayaa wafdi wasiiro ah oo uu hogaaminayey wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi iyo sidoo kale ay ka mid ahaayeen Wasiirka Dekedaha iyo Kaluumaysiga Mudane Cabdisaabir Nuur Shuuriye iyo Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer .

Masuuliyiinta ayaana ciidamada la xareeyay ku dhiiri galiyay in hada waxii ka dambeeyo ay u shaqeeyaan bulshadooda maadaama uu waajib ka saaranyahay.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in ciidamo iyo gaadiid kale oo Galgaduud ku sugan ay maalmaha soo socda imaan doonaan xerada Dhaan-karroone, kuwaasoo tababarka uu u furi doono madaxweynaha Dawladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye.

“Dhowaan waxaa xeradaan soo gaari doono ciidamo iyo gaadiid ka iimanayo Galgaduud waxaana dhawaan aan sidoo kale fileynaa in madaxweyne (Qoor-Qoor) uu tababar u furi doono waxaana sidoo kale guud ahaan ciidamadaan aan ugu talo galnay sugidda amniga iyo ka xureynta deegaannada fara ku turiska oo ay argagixisada ay kaga suganyihiin dhulka deegaannada Galmudug”Ayuu ku daray wasiirka Amniga Axmed Macalin Fiqi.

Tan iyo markii loo magacaabay Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa waxaa uu qabatay shaqo adage e ku aadan in guud ahaan Gobolka Mudug la xareeyay maleeshiyaad beeleedyo iyo gadiidka dagaal si loo xaliyo dagaal beeleedyada ka dhaca gobolka sidoo kalena waxaa socdo qorshayaal lagu dhisayo ciidamada daraawiishta iyadaa haatan ay socoto xareynta ciidamadii loogu talo galay inay noqdaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidamada Xoogga Dalka oo furimaha hore kasoo diray Hambalyo Ciidul Fidriga

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha...

Guddoomiyaha G/Shacabka BJFS oo salaadda Ciid Fidriga ku tukaday Masaajidka Villa Hargeysa

Muqdisho, Soomaaliya 20, Maarso, 2026: Guddoomiyaha Golaha Sbacabka ee...

Madaxweynaha JFS oo Ciidul Fitriga kula qaatay Ciidamada degaanka Gandarshe ee Sh/Hoose

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer dhiirrigelin ah ku tegay deeganka Gendershe

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...