Wasaaradda Qorsheynta Hirshabeelle Oo Agab C/fimaad Ku Wareejisay Wasaaradda C/fimaadka Hirshabeelle

Date:

Agabka faraxalka waa Kahortagga coronavirus

Wasaaradda Qorsheynta dowlad Gobaleedka Hirshabeelle ayaa Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle ku wareejisay agab caafimaad oo looga talo galay ka hortagga iyo xakameynta COVID-19.

Agabkan ayaa ka koobnaa agabka gacmo dhaqa, Istiraasho, af-daboolka (face maska) iyo joodariyaal loogu talo galay in la dhigo goobaha karantiilka ee dadka uu soorito cudurka Coronavirus.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maamulka Hirshabeelle Cismaaciil Maxamed Nuur ayaa sheegay in agabkan ay kaga faa’iideesan doonaan ka hortagga iyo xakameynta cudurka COVID-19.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Hirshabeelle Muxudiin Mukhtaar Macalin ayaa Shaqaalaha c/fimaadka Hirshabeelle kula dardaarmay in ay bulshada ugu adeegaan agabka, lana kordhiyo wacyi gelinta cudurka COVID-19.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...