Golaha Shacabka Oo Akhrinta 1-Aad Mariyay Hindisaha Dib U Eegista Sharciga Xisbiyada

Date:

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa Akhrinta 1-aad marsiiyay Hindisaha dib u eegista iyo kaabista sharciga xisbiyada siyaasadda.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kulankoodii ugu horreeyay ee kalfadhiga 7aad kulankiisa 1aad ee Baarlamaanka ayaa ka dooday sharciga Axsaabta siyaasadda, waxaana kulanka shir guddoominayay Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha Golaha shacabka.

Xildhibaannada Golaha ayaa akhrinta koowaad marsiiyay Hindisaha dib u eegista iyo kaabista sharciga xisbiyada siyaasadda, iyadoo uu faah faahin dheeri ah ka bixiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabrdiraxmaan oo kulanka soo xiray ayaa ugu horeyn Xildhibaannada u jeediyay warbixin ku aadan howlaha horyaala Baarlamaanka, gaar ahaan kalfadhiga 7aad, waxaana uu sheegay in sharciga xisbiyada siyaasada uu dalka muhiim u yahay.

“Guddigana waxaan ka codsaneynaa si deg deg ah in aad uga soo shaqeysaan, waxyaabaha ugu muhiimsan oo hadda aan ognahay waxaa waaye, Axsaab siyaasadeed ayaa abuurantay”. Ayuu yiri Guddoomiye Maxamed Mursal.

Baarlamaanka ayaa horyaala sharciyo dhowr ah oo muhiim u ah geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga oo ka qeybgalay shir looga hadlayo arrimaha Barakacayaasha

Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka, Mudane Axmed Xuseen...

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay Bakool

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay fuliyay howlgal qorsheysan...

Wasaaradda Caddaaladda oo shaacisay xiliga la qabanayo Shirweynaha 1-aad ee Bahda Caddaaladda Soomaaliyeed

Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka XFS,...

Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuur BFS oo kulamo ka yeeshay arrimaha Dastuurka dalka

Guddiga Madaxa bannaan ee Dastuurka iyo Guddiga Lasocodka Dastuurka...