Allah Ha Naxasriiste Waxaa Xalay Muqdisho Ku Geeriyooday Cabdi Tahliil Warsame

Date:

Allahaa u naxatiistee waxaa xalay magaalada muqdisho ku geeriyooday Fanaankii weynaa ee Heer Qaran ee Cabdi Tahliil Warsame oo muddo ka badan 15-sanadood ku xanuunsanayay Muqdisho.

Cabdi Tahliil Warsame, sida la hubo wuxuu ku dhashay deegaanka Wardheer sannadkii 1952-kii.

Sannadkii 1968-kii fannaanku wuxuu ku luuqeeyey heestiisii labaad ee Onkod, taasoo aad u caan baxday.

Heestan oo ilaa maanta kaalmaha hore uga jirta dookha dadweynaha waxaa u dhiibay Abwaan Axmed Saleebaan Bide.

Sannadkii 1971-kii wuxuu ka qeyb galay tartankii heesaha hirgalay waxaana ku weheliyay fannaaniin ay ka mid ahaayeen, Cabdulaahi Cumar Xarago, Cabdi Xasan Dige, Cumar Nuur Cabdule iyo Xasan Aadan Samatar.

Fannaaniintan dhammaantood waxay ku biireen xidigihii kooxdii Hobalada Waaberi.

Kooxihii kale ee uu  Cabdi Tahliil la soo shaqeeyey waxaa ka mid ahaa Kooxdii Danan oo uu kamid noqday hogaankii sare ee kooxdaasi.

Allahaa u naxariistee waxa uu waxbarshada dugsiga sare ku qaatay ku bar baaray magaalada Baladweyne ee gobalka Hiiraan hase ahaatee markii dambe waxa uu u soo wareegay magaalada Muqdisho oo uu deganaa ilaa maanta.

Waxaa uu ka tagay 42 ruux oo isagu jira caruurta uu dhalay iyo waxa ay sii dhaleen.

Sidoo kale Marxuumka ayaa xilal kala duwan soo qabtay oo ay ka mid ahayd xilka xisaabiyaha isagoo ka soo shaqeeyay Gobalka Bari gaar ahaan deegaannada Qandalo, Qardho iyo magaalada Boosaaso ee xarunta Gobalka Bari.

Guud ahaan fanaaniinta Soomaaliyeed meel walbo oo ay dalka ka joogaan ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid Cabdi Tahliil Warsame iyagoo alle uga baryay inuu janadiisa fardowso ka waraabiyo samir iyo iimaan uu ka siiyo dhammaan qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay.

.

 

 

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

SoDMA iyo Wasaaradda Maaliyadda oo Daahfuray Mashruuc lagu xoojinayo ka Jawaabidda masiibooyinka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax-dhigay dhismaha laamiga degmada Wadajir

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo Khudbad ka jeediyey Shirka Caalamiga ah ee la dagaallanka Gaajada

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax...

Madaxwayne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema saarka madaxweynaha Tanzania

Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...